Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 11:7-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Ina keena, aynu degnee, oo halkaas aynu afkooda iskaga qasnee, yaan midna midka kale hadalkiisa garanine.

8. Kolkaasaa Rabbigu halkaas ka kaxeeyey oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan, oo dhisiddii magaaladii way joojiyeen.

9. Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan.

10. Kuwanu waa farcankii Sheem. Sheem wuxuu jiray boqol sannadood, oo laba sannadood oo daadkii ka dambaysay wuxuu dhalay Arfaksad.

11. Sheemna markuu Arfaksad dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

12. Arfaksadna wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Salah:

13. Arfaksadna markuu Salah dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

14. Salahna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Ceeber.

15. Salahna markuu Ceeber dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

16. Ceeberna wuxuu jiray afar iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Feleg:

17. Ceeberna markuu Feleg dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

18. Felegna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Recu:

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 11