Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 11:2-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Waxaana dhacday markay xagga bari u sii socdaaleen inay waddankii Shincaar meel bannaan ka heleen; oo halkaas ayay degeen.

3. Oo waxay isku yidhaahdeen, Ina keena, aynu leben samaysannee, oo aynu aad u dubnee. Oo waxay dhagaxa meeshiisa u haysteen leben, nuuradda meesheedana dhoobo.

4. Oo waxay yidhaahdeen, Ina keena, aynu magaalo dhisannee, iyo munaarad dhaladeedu samada gaadho, oo aynu magac yeelannee, waaba intaasoo aynu dhulka dushiisa oo dhan ku kala firidhnaaye.

5. Rabbiguna wuxuu u soo degay inuu arko magaaladii iyo munaaraddii ay binu-aadmigu dhisayeen.

6. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eega, iyagu waa isku dad keliya, oo dhammaan isku af keliya bay leeyihiin, oo waxanuna waa waxa ay bilaabayaan inay sameeyaan, oo haatan wax ka hor joogsan doona waxay damcaan inay sameeyaan ma jiraane.

7. Ina keena, aynu degnee, oo halkaas aynu afkooda iskaga qasnee, yaan midna midka kale hadalkiisa garanine.

8. Kolkaasaa Rabbigu halkaas ka kaxeeyey oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan, oo dhisiddii magaaladii way joojiyeen.

9. Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 11