Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 11:16-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Ceeberna wuxuu jiray afar iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Feleg:

17. Ceeberna markuu Feleg dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

18. Felegna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Recu:

19. Felegna markuu Recu dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo sagaal sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

20. Recuna wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Seruug.

21. Recuna markuu Seruug dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

22. Seruugna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Naaxoor:

23. Seruugna markuu Naaxoor dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

24. Naaxoorna wuxuu jiray sagaal iyo labaatan sannadood, wuxuuna dhalay Terax;

25. Naaxoorna markuu Terax dhalay ka dib wuxuu noolaa boqol iyo sagaal iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

26. Teraxna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan.

27. Kuwanu waa farcankii Terax. Terax wuxuu dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan; Haaraanna wuxuu dhalay Luud.

28. Haaraanna wuxuu dhintay aabbihiis Terax oo jooga, wuxuuna ku dhintay dhulkii uu ku dhashay, oo la odhan jiray Uur tii reer Kaldayiin.

29. Aabraam iyo Naaxoorna way guursadeen: Aabraam naagtiisii waxaa la odhan jiray Saaray; naagtii Naaxoorna waxaa la odhan jiray Milkah, waxayna ahayd gabadhii Haaraan, aabbihii Milkah iyo Iskah.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 11