Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 9:4-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Oo Rabbigu waa kala sooci doonaa xoolaha reer binu Israa'iil iyo xoolaha Masar; oo waxa reer binu Israa'iil ay leeyihiinna waxba kama dhiman doonaan.

5. Rabbiguna wakhti buu u qabtay, isagoo leh, Berri Rabbigu waxan ayuu dalka dhexdiisa ku samayn doonaa.

6. Rabbiguna waxaas waa sameeyey maalintii dambe, oo xoolihii Masar oo dhammuna way wada bakhtiyeen; laakiinse xoolihii reer binu Israa'iil midna kama bakhtiyin.

7. Markaasaa Fircoon cid diray, oo bal eeg, xoolihii reer binu Israa'iil xataa mid kama bakhtiyin. Laakiinse Fircoon wuu madax adkaaday, dadkiina siima uu dayn inay tagaan.

8. Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Waxaad qaadataan cantoobooyin dambaska foornada ah, oo Muuse samada ha u saydho Fircoon hortiisa.

9. Oo waxay noqon doontaa habaas dhulka Masar oo dhan dul yaal, oo dalka Masar oo dhan waxaa dadka iyo duunyadaba ka soo bixi doona boogo xunxun.

10. Markaasay qaadeen dambaskii foornada, oo waxay hor istaageen Fircoon; kolkaasaa Muuse xagga samada kor ugu saydhay, markaasaa dadkii iyo duunyadiiba waxaa ka soo wada baxay boogo xunxun.

11. Oo saaxiriintiina Muuse ma ay hor istaagi karin boogaha dartood, waayo, booguhu waxay ka soo bexeen saaxiriintii iyo Masriyiintii oo dhan.

12. Rabbiguna waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, oo isna ma uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu Muuse ku yidhi.

13. Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac, oo Fircoon hortiisa istaag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga Ilaaha Cibraaniyada ah wuxuu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.

14. Waayo, waxaan markan qalbigaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba ku soo dayn doonaa belaayadayda oo dhan, inaad ogaatid inaan dhulka oo dhan lagu arag mid anoo kale ah.

15. Waayo, haatan haddaan gacantayda fidin lahaa, oo aan belaayo kugu dhufan lahaa adiga iyo dadkaagaba, de markaas adiga dhulka waa lagaa baabbi'in lahaa,

16. laakiin sababtan aawadeed ayaan kuu taagay, inaan xooggayga kaa muujiyo iyo in magacayga laga sheego dhulka oo dhan.

17. Ma weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin?

18. Bal ogow, berrito haddaa oo kale waxaan soo daadin doonaa roobdhagaxyaale baas oo aan weligiis lagu arag Masar tan iyo maalintii la dhisay ilaa haatan.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 9