Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 6:19-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Reer Meraariina waa Maxlii iyo Mushii. Kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay farcankoodii kala ahaayeen.

20. Oo Camraam wuxuu guursaday Yookebed oo eeddadiis ahayd, oo waxay u dhashay Haaruun iyo Muuse. Oo Camraam cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood.

21. Reer Isehaarna waa Qorax, iyo Nefeg, iyo Sikrii.

22. Reer Cusii'eelna waa Miishaa'eel, iyo Elsaafaan, iyo Sitrii.

23. Haaruunna wuxuu guursaday Eliishebac ina Cammiinaadaab oo ahayd Naxshoon walaashiis; oo waxay u dhashay Naadaab iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.

24. Reer Qoraxna waa Asiir, iyo Elqaanaah, iyo Abii'aasaaf. Kuwanu waa qolooyinkii reer Qorax.

25. Markaasaa Elecaasaar oo ahaa ina Haaruun wuxuu guursaday gabdhihii Fuutii'eel middood, oo waxay u dhashay Fiinexaas. Kuwanu waa madaxdii reer Laawi, iyo qolooyinkoodii siday kala ahaayeen.

26. Kuwanu waa Haaruun iyo Muuse kuwii Rabbigu ku yidhi, Reer binu Israa'iil ka soo wada dalka Masar sida ay dadkooda guutooyinkoodu yihiin.

27. Kuwanuna waa kuwii la hadlay boqorkii Masar oo Fircoon ahaa, inuu dalka Masar ka bixiyo reer binu Israa'iil. Iyagu waa Muusahaas iyo Haaruunkaas.

28. Maalintii Rabbigu la hadlay Muuse oo dalka Masar jooga,

29. wuxuu Rabbigu ku yidhi Muuse, Anigu waxaan ahay Rabbiga. Boqorka Masar oo Fircoon ah la hadal oo waxaad u sheegtaa wixii aan kugula hadlo oo dhan.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 6