Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 6:10-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, isagoo leh,

11. Fircoon oo ah boqorka Masar u tag, oo la hadal, si uu u sii daayo reer binu Israa'iil si ay dalkiisa uga baxaan.

12. Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, reer binu Israa'iil ima maqline, de haddaba sidee buu Fircoon ii maqli doonaa, anigoo aan bushimaha ka xalaalaysnayn?

13. Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo amar buu u soo faray reer binu Israa'iil, iyo boqorkii Masar oo ahaa Fircoon, inay reer binu Israa'iil ka soo wadaan dalka Masar.

14. Kuwanu waa madaxdii reerihii awowayaashood, kuwanu waa reer Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil, Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii; kuwanu waa qolooyinkii reer Ruubeen.

15. Reer Simecoonna waa kuwan, Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ahaa wiilkii ay naag reer Kancaan ah dhashay. Kuwanu waa qolooyinkii reer Simecoon.

16. Kuwanuna waa reer Laawi magacyadoodii, iyo sidii farcankoodii kala ahaayeen; Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii. Oo Laawi cimrigiisii wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood.

17. Reer Gershoon, iyo sidii qolooyinkoodu kala ahaayeenna waa Libnii iyo Shimcii.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 6