Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 40:24-38 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Oo laambaddiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay meel miiska ku toosan, oo ah taambuugga dhankiisa koonfureed.

25. Markaasuu laambadihii Rabbiga hortiisa ku shiday, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

26. Oo meeshii allabariga oo dahabka ahaydna wuu soo geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka hortiisa,

27. oo markaasuu ku shiday foox uunsi udgoon ah, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

28. Oo taambuugga iriddiisiina wuxuu sudhay daahii.

29. Oo meeshii allabariga lagu gubi jirayna wuxuu ag dhigay iridda taambuugga ee teendhada shirka, oo wuxuu dusheeda ku bixiyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

30. Oo berkeddii weysadana wuxuu dhigay teendhadii shirka iyo meeshii allabariga dhexdooda, oo wuxuu ku shubay biyo in lagu maydho.

31. Oo Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisiiba gacmaha iyo cagaha ayay ku maydheen;

32. oo markay teendhada shirka galeen iyo markay meesha allabariga u soo dhowaadeenba way ku maydheen, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

33. Markaasuu qotomiyey dayrkii barxadda taambuuggii iyo meeshii allabariga ku wareegsanaa, oo barxadda iriddeediina wuxuu sudhay daahii. Sidaasuu Muuse shuqulkii u dhammeeyey.

34. Markaasaa daruurtii teendhadii shirka qarisay, ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxsantay.

35. Oo Muusena inuu teendhadii shirka galo wuu kari waayay, maxaa yeelay, daruurtii baa dul joogtay, oo ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxday.

36. Oo markii daruurtii taambuuggii kor ahayd laga qaaday ayaa reer binu Israa'iil hore u sii wadeen sodcaalladoodii oo dhan,

37. laakiinse haddii aan daruurtii kor loo qaadin, ma ay socon jirin ilaa maalinta kor loo qaado.

38. Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 40