Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 36:24-38 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Oo wuxuu sameeyey afartan saldhig oo lacag ah oo ka hooseeya labaatan loox, oo laba saldhigba waxay ka hooseeyeen loox, oo waxay saldhig u ahaayeen labadiisii caaro, oo laba kale oo saldhigna waxay saldhig u ahaayeen loox kale labadiisii caaro.

25. Oo taambuugga dhankiisa labaadna oo woqooyi xiga, wuxuu u sameeyey labaatan loox,

26. iyo afartankoodii saldhig oo lacagta ahayd. Laba saldhigba loox bay ka hooseeyeen, oo laba saldhig oo kalena waxay ka hooseeyeen loox kale.

27. Oo taambuugga xaggiisa dambe oo galbeed xigtana wuxuu u sameeyey lix loox.

28. Oo labada geesood oo taambuugga xaggiisa dambena wuxuu u sameeyey laba loox.

29. Oo hoosta bay labanlaab ka noqdeen, oo sidaas oo kalena way dhammaadeen ilaa siddada kowaad dusheeda, oo sidaasuu ka dhigay labadoodii ku jiray labada geesood.

30. Waxaana jiray siddeed loox, iyo saldhigyadoodii lacagta ahaa. Kuwaasu waxay ahaayeen lix iyo toban saldhig, oo lababa loox ka hoosayso.

31. Oo wuxuu ulo gudban ka sameeyey qori qudhac ah, oo shan buu u sameeyey looxyada taambuugga dhinac kaga jira,

32. oo shan ulood oo kalena wuxuu u sameeyey looxyada dhinaca kale kaga jira taambuugga, oo shan ulood oo kalena wuxuu u sameeyey looxyada taambuugga kaga jira xaggiisa dambe oo galbeed xigta.

33. Oo uldhexaaddii ayuu looxyadii ku gudbay gees ilaa gees.

34. Oo looxyadii wuxuu ku dahaadhay dahab, oo siddooyinkoodana wuxuu ka sameeyey dahab inay ahaadaan meelihii ay ulaha gudban ka geli lahaayeen, oo ulihiina wuxuu ku dahaadhay dahab.

35. Oo ilxidhkiina wuxuu ka sameeyey buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo keruubiim buu ku daabacay.

36. Oo wuxuu u sameeyey afar tiir oo qori qudhac ah, wuxuuna ku dahaadhay dahab; oo qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen dahab; oo wuxuuna u yeelay afar saldhig oo lacag ah.

37. Oo iridda Teendhada wuxuu u sameeyey daah ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh.

38. Wuxuuna sameeyey shantiisii tiir iyo qabsatooyinkoodiiba, oo dahab buu ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii iyo waxyaalihii laysugu wada xidhayba; oo shantoodii saldhigna waxay ahaayeen naxaas.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 36