Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 32:23-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

23. Waayo, waxay igu yidhaahdeen, Inoo samee ilaahyo ina hor socda, waayo, Muusahan oo ah ninkii inaga soo bixiyey dalkii Masar, garan mayno wax ku dhacay.

24. Markaasaan ku idhi, Ku alla kii dahab haystaa, ha siibo. Kolkaasay i siiyeen, anna dabkaan ku tuuray, oo waxaa ka soo baxday weyshan.

25. Oo markii Muuse arkay in dadkii layska sii daayay, waayo, Haaruun baa sii daayay oo ku kashifay cadaawayaashooda hortooda,

26. ayuu Muuse istaagay xerada iriddeedii, oo wuxuu yidhi, Ku alla kii Rabbiga la gees ahow, ii kaalay. Markaasay reer Laawi oo dhammu agtiisa ku soo urureen.

27. Markaasuu wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidan buu leeyahay, Nin waluba seeftiisa dhinaca ha ku xidho, oo kulligiin irid ilaa irid xerada hore iyo dib u dhex qaada, oo nin waluba ha dilo walaalkiis, iyo saaxiibkiis, iyo deriskiisaba.

28. Oo reer Laawi waxay yeeleen hadalkii Muuse, oo maalintaas dadkii waxaa ka dhintay qiyaastii saddex kun oo nin.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 32