Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 31:14-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Haddaba waa inaad dhawrtaan sabtida, waayo, waa idiin quduus, oo mid kasta oo ka dhiga wax aan quduus ahayn hubaal waa in la dilaa, waayo, ku alla kii maalintaas shaqeeya, de qofkaas waa in laga gooyaa dadkiisa.

15. Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho ah oo Rabbiga quduus u ah; oo ku alla kii maalinta sabtidaa shuqul qabta hubaal waa in la dilaa.

16. Sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay sabtida dhawraan, iyagoo ka ab ka ab sabtida u dhawra axdi weligiis ah aawadiis.

17. Waa calaamo weligeed ina dhex taal aniga iyo reer binu Israa'iil; waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada iyo dhulka, oo maalintii toddobaadna wuu nastay, wuuna qabowsaday.

18. Oo markii uu dhammeeyey hadalkii uu kula hadlayay Buur Siinay dusheeda, ayuu Muuse siiyey labadii loox ee maragga iyagoo ah looxyo dhagaxyo ah, oo fartii Ilaah lagu qoray.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 31