Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 30:1-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo waxaad samaysaa meel allabari oo foox lagu shido; waxaadna ka samaysaa qori qudhac ah.

2. Oo dhererkeeduna ha ahaado dhudhun, ballaadhkeeduna ha ahaado dhudhun, afar geesoodna waa inay lahaataa, sarajooggeeduna ha ahaado laba dhudhun, oo geesaheeduna waa inay isku waslad la ahaadaan.

3. Oo waa inaad dahab saafi ah ku dahaadhaa dusheeda iyo dhinacyadeeda ku wareegsan iyo geesaheedaba; oo waxaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

4. Oo qarkeeda hoostiisa waa inaad laba siddo oo dahab ah ugu yeeshaa labada rukun; labada dhinac waa inaad sidaas u yeeshaa, oo waxay u noqon doonaan meelihii ulaha lagu qaado laga gelin lahaa.

5. Oo waxaad ulaha ka samaysaa qori qudhac ah, waana inaad dahab ku dahaadhaa.

6. Oo waxaad hor dhigtaa ilxidhka u dhow sanduuqa maragga oo hor yaal daboolka ka sarreeya maragga, halkaas oo ah meesha aan kugula kulmi doono.

7. Oo Haaruun waa inuu ku shido foox udgoon; subax walba markuu laambadaha hagaajinayo waa inuu foox shido.

8. Oo makhribka Haaruun markuu laambadaha shidayo waa inuu foox shido, kaasoo ah foox joogto u ah Rabbiga hortiisa, ka ab ka ab.

9. Oo waa inaydnaan dusheeda ku bixin foox qalaad, ama qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, oo dusheedana ha ku daadinina qurbaan cabniin ah.

10. Geesaheedana sannaddiiba mar Haaruun waa inuu ku dul kafaaro gudo; oo dhiigga allabariga dembiga oo kafaaraggud ah sannaddiiba mar waa inuu ku kafaaro gudo tan iyo ka ab ka ab. Waa kan ugu wada quduusan Rabbiga.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 30