Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 28:11-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Sida shuqulka dhagax-xardhihii waa inaad labada dhagax u xaradhaa xaradh u eg xaradhka shaabadda, oo waana inaad ku dhigtaa magacyadii reer binu Israa'iil; oo waa inaad saldhigyo dahab ah ku dhejisaa.

12. Oo labada dhagax waa inaad ku dhejisaa eefodka garbihiisa inay dhagaxyo xusuus ah u noqdaan reer binu Israa'iil, oo Haaruun waa inuu Rabbiga hortiisa magacyadooda ku qaadaa garbihiisa xusuus ahaan aawadeed.

13. Oo waa inaad u samaysaa saldhigyo dahab ah,

14. oo waa inaad u samaysaa laba silsiladood oo ah dahab saafi ah, oo waxaad u samaysaa sida wax xadhko u eg oo tidcan, oo silsiladaha isku tidcan waa inaad ku xidhaa saldhigyada.

15. Oo waa inaad samaysaa laabgashi xukumaadeed, oo daabacna ha lagu sameeyo; oo waa inaad u samaysaa sida samaynta eefodka; waana inaad ka samaysaa dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

16. Waa inuu ahaadaa afargeesood oo isku laalaaban; dhererkiisuna ha ahaado taako, ballaadhkiisuna ha ahaado taako.

17. Oo waa inaad afar saf oo dhagaxyo ah ku dul dhejisaa; safka kowaad ha ahaado sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya;

18. safka labaadna ha ahaado sumurud, iyo safayr, iyo dheemman;

19. safka saddexaadna ha ahaado yakintos, iyo agate, iyo ametustos;

20. safka afraadna ha ahaado berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waa in lagu dhejiyo saldhigyo dahab ah.

21. Oo dhagaxyadu waa inay tiro le'ekaadaan sida magacyada reer binu Israa'iil, ha ahaadeen laba iyo toban sida magacyadooda, oo laba iyo tobanka qabiil waa in mid kasta magiciisa lagu xardho sida xaradhka shaabadda.

22. Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa silsilado xadhko u eg oo laga tidcay dahab saafi ah.

23. Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo labada siddo waxaad sudhaa laabgashiga labadiisa darfood.

24. Oo labada silsiladood oo tidcan oo dahabka ah waxaad ku xidhaa labada siddo oo ku yaal laabgashiga labadiisa darfood.

25. Oo labada silsiladood oo tidcan labadooda madax oo kale waxaad ku xidhaa labada saldhig, oo waxaad ku xidhaa eefodka garbihiisa xaggooda hore.

26. Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad soo sudhaa laabgashiga labadiisa darfood oo gudaha oo eefodka xiga.

27. Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad ku xidhaa eefodka labadiisa garab xaggooda hoose oo dhanka hore ku yaal, oo ku dhow meeshay isku xidhmaan, oo ka sarreeya eefodka dhex-xidhkiisa oo daabaca ah.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 28