Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 23:26-33 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

26. Oo dhulkaaga dhexdiisa miduna dhicis ma dhali doonto, ama madhalays ma noqon doonto, oo tirada maalmahaaga waan dhammaystiri doonaa.

27. Oo cabsidaydaan ku hor marin doonaa, oo dadka aad u tegaysid oo dhan waan argaggixin doonaa, oo waxaan cadaawayaashaada oo dhan ka dhigi doonaa inay dhabarkooda kaa sii jeediyaan.

28. Oo waxaan hortaa diri doonaa xoon, kaas oo reer Xiwi, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed hortaada ka eryi doona.

29. Oo iyaga sannad uun hortaada ka eryi maayo, waayo, waaba intaasoo dhulku cidla noqdaa, oo dugaagga duurku kugu bataa.

30. In yar in yar ayaan hortaada ka eryi doonaa, ilaa aad adigu badatid oo aad dalka dhaxashid.

31. Oo waxaan soohdintaada ka dhigi doonaa Badda Cas iyo tan iyo badda reer Falastiin, iyo cidlada ilaa tan iyo Webiga, waayo, dadka dhulka deggan waxaan gelin doonaa gacantaada, markaasaad hortaada ka eryi doontaa.

32. Waa inaadan axdi la dhigan iyaga iyo ilaahyadooda toona.

33. Waa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaajiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 23