Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 23:10-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Lix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurtaa oo midhihiisa urursataa,

11. laakiinse sannadda toddobaad waa inaad iska daysaa ha nasto, oo dhul aan beernayn ha noqdee, inay masaakiinta dadkaagu wax ka cunaan; oo waxay reebaanna dugaagga duurku ha daaqeen. Oo sidaas oo kalena waa inaad u gashaa beertaada canabka ah iyo beertaada saytuunka ah.

12. Lix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan, oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan.

13. Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.

14. Oo sannad walba saddex goor waa inaad ii iiddaa.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 23