Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 22:1-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddii nin dibi ama lax xado, oo uu qasho ama iibiyo, waa inuu shan dibi dibigii ku magdhabo, laxdiina afar laxaad.

2. Haddii tuug la helo isagoo guri u dhacaya, oo inta wax lagu dhufto uu dhinto, markaas kii dilay dhiig eed kuma laha.

3. Haddiise qorraxdu u soo baxdo, markaas dhiigga eed buu ku leeyahay. Waa inuu u soo celiyaa, hadduusanse waxba haysan, de markaas waa in isaga la iibiyaa tuugnimadiisii aawadeed.

4. Haddiise wuxuu xaday iyagoo nool gacantiisa laga helo, ama dibi ha noqdo amase dameer, amase lax, waa inuu labanlaab u bixiyaa.

5. Haddii nin beer canab ah ama beer kale xoolo daajiyo, oo uu neefkiisa ku sii daayo si uu nin kale beertiis u daaqo, de markaas waa inuu meesha beertiisa ugu wanaagsan iyo meesha beertiisa canabka ah ugu wanaagsan ugu magdhabaa.

6. Haddii dab baxo, oo uu qodxanta qabsado, oo uu wada gubo xidhmooyinka sarreenka ah ama sarreenka weli baalka ku yaal, ama beerta oo dhan, markaas kii dabka shiday waa inuu magdhabaa.

7. Haddii nin deriskiisa lacag ama alaab ammaano ugu dhiibto, oo ninka gurigiisii laga xado, oo markaas tuuggii la helo, waa inuu labanlaab u magdhabaa.

8. Haddiise aan tuuggii la helin, markaas waa in ninkii guriga lahaa xaakinnada u soo dhowaadaa si loo caddeeyo inuu alaabtii deriskiisa fartiisa saaray iyo in kale.

9. Waayo, wax kasta oo xadgudub ah ama ha noqdo dibi aawadiis, ama dameer aawadiis, ama lax aawadeed, ama dhar aawadiis, ama wax kasta oo baadi ah, haddii la leeyahay, Waa kan, waa in labada qolo arrintooda xaakinnada la hor keenaa. Oo midkii xaakinnadu ku xukumaan waa inuu deriskiisa labanlaab ugu magdhabaa.

10. Haddii nin deriskiisa ammaano ugu dhiibto dameer ama dibi, ama lax amase neef uun, markaas hadduu dhinto, ama wax gaadhaan, ama la kaxaysto iyadoo aan la arkayn,

11. markaas waa in dhaartii Rabbiga la dhex dhigaa labadooda, si loo caddeeyo inuu fartiisa saaray xoolihii deriskiisa iyo in kale, oo kii lahaana waa inuu aqbalaa, oo waxbana loo magdhabi maayo.

12. Laakiinse haddii laga xado, waa inuu isagu qofkii lahaa u magdhabaa.

13. Haddiise dugaag bakhtiisto, waa inuu marag ahaan u keenaa, oo wixii dugaaggu bakhtiistay waxba ka magdhabi maayo.

14. Oo haddii nin deriskiisa neef ka ammaahdo, oo ay wax gaadhaan amaba uu dhinto, isagoo aan ninkii lahaa la joogin, kaasu hubaal waa inuu magdhabaa.

15. Haddiise kii lahaa la joogay, waa inuusan waxba ka magdhabin, oo hadduu kiro ahaa, kiradiisii waa laga xisaabay.

16. Oo haddii nin sasabto gabadh bikrad ah oo aan doonanayn, oo uu iyada la seexdo, de markaas waa inuu yarad ka bixiyo oo uu guursadaa iyada.

17. Haddiise aabbeheed innaba u diido inuu isaga siiyo, de markaas waa inuu bixiyaa intii gabadh bikrad ah yaradkeedu yahay.

18. Saaxirad inay sii noolaato waa inaadan u fasaxin.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 22