Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 20:8-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Xusuuso maalinta sabtida, inaad quduus ka dhigto.

9. Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,

10. laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama xoolahaaga, ama qariibka irdahaaga ku jira;

11. waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa dhexdooda ku jira oo dhan, kolkaasuu nastay maalintii toddobaad, sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu u barakeeyey maalintii sabtida ahayd oo quduus uga dhigay.

12. Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, in cimrigaagu ku dheeraado dhulka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siiyo.

13. Waa inaanad qudh gooyn.

14. Waa inaanad sinaysan.

15. Waa inaanad waxba xadin.

16. Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin.

17. Waa inaanad damcin guriga deriskaaga, waa inaanad damcin naagta deriskaaga, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.

18. Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen onkodkii iyo hillaacii, iyo codkii buunka, iyo buurtii qiiqaysay; oo markii dadkii arkay ayay gariireen, oo meel fog istaageen.

19. Kolkaasay waxay Muuse ku yidhaahdeen, Adigu nala hadal, oo annana waannu ku maqli doonnaa, laakiinse Ilaah yuusan nala hadlin, waaba intaasoo aannu dhimannaaye.

20. Markaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, Ilaah wuxuu u yimid inuu idin tijaabiyo, iyo in ka cabsashadiisu idinku jirto, si aydnaan u dembaabin.

21. Markaasaa dadkii waxay istaageen meel fog, Muusena wuxuu u soo dhowaaday gudcurkii qarada weynaa oo Ilaah joogay.

22. Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Idinka qudhiinnu waad aragteen inaan samada idinkala hadlay.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 20