Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 20:1-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Rabbigu erayadan oo dhan ku hadlay, isagoo leh,

2. Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

3. Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.

4. Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.

5. Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,

6. oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.

7. Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.

8. Xusuuso maalinta sabtida, inaad quduus ka dhigto.

9. Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,

10. laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama xoolahaaga, ama qariibka irdahaaga ku jira;

11. waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa dhexdooda ku jira oo dhan, kolkaasuu nastay maalintii toddobaad, sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu u barakeeyey maalintii sabtida ahayd oo quduus uga dhigay.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 20