Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 2:9-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Markaasaa gabadhii Fircoon waxay ku tidhi iyadii, Tag, oo ilmahan qaad oo ii nuuji, oo anna waxaan ku siin doonaa mushahaaradaada. Markaasay naagtii yarkii qaadday oo nuujisay.

10. Yarkiina waa koray, markaasay u keentay gabadhii Fircoon, oo wuxuu noqday wiilkeedii. Oo waxay magiciisii u bixisay Muuse, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, anaa biyihii ka soo bixiyey.

11. Oo waayahaas, markii Muuse weynaaday, waxay noqotay inuu walaalihiis u soo baxay, oo uu fiiriyey culaabta saaran. Markaasuu wuxuu arkay mid Masri ah oo dilaya mid Cibraani ah oo walaalihiis ka mid ah.

12. Markaasuu iska fiiriyey xagga iyo xagga, oo markuu arkay inaan ciduna joogin ayuu Masrigii kaw kaga siiyey, oo ciidda ku qariyey.

13. Markaasuu haddana maalintii labaad soo baxay, oo wuxuu arkay laba nin oo Cibraaniyo ah oo isla diriraya; oo kii gardarnaa buu wuxuu ku yidhi, War maxaad u dilaysaa wadaygaa?

14. Markaasuu wuxuu yidhi, Bal yaa amiir iyo xaakin nooga kaa dhigay? Ma waxaad doonaysaa inaad ii disho sidaad u dishay Masriga? Markaasaa Muuse cabsaday, oo wuxuu isyidhi, Hubaal wixii waa la ogaaday.

15. Haddaba markii Fircoon waxaas maqlay, ayuu wuxuu doondoonay inuu Muuse nafta ka qaado. Laakiinse Muuse waa ka cararay Fircoon hortiisii, oo wuxuu degay dalka Midyaan, oo ceel buu ag fadhiistay.

16. Haddaba wadaadkii Midyaan wuxuu lahaa toddoba gabdhood. Intay ceelkii yimaadeen ayay dhaamiyeen oo berkedihii biyo ka buuxiyeen inay waraabiyaan idihii aabbahood.

17. Markaasaa adhijirro yimaadeen oo ka eryeen, laakiinse Muuse intuu istaagay, ayuu caawiyey iyagii, oo idahoodii u waraabiyey.

18. Oo markay u yimaadeen Recuu'eel oo aabbahood ah ayuu wuxuu ku yidhi, Waa sidee, maanta waad soo dhaqsateene?

19. Markaasay waxay yidhaahdeen, Midkoo Masri ah ayaa naga samatabbixiyey gacantii adhijirrada, oo weliba biyuu noo dhaamiyey oo idaha isagaa noo waraabiyey.

20. Markaasuu wuxuu gabdhihiisii ku yidhi, Isagii meeyey? De maxaad ninkii uga soo kacdeen? U yeedha, kibis ha cunee.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 2