Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 18:11-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Oo haatan anigu waan ogahay in Rabbigu ka wada weyn yahay ilaahyada oo dhan; waayo, waxyaalihii ay kula macaamiloodeen iyagoo kibirsan aawadeed, isagaa ka sarreeyey.

12. Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu qaaday qurbaan la gubo iyo allabaryo. Markaasaa waxaa yimid Haaruun iyo waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan inay Ilaah hortiisa kibis kula cunaan Muuse soddoggiis.

13. Markaasaa waxaa maalintii dambe dhacday in Muuse u fadhiistay inuu dadkii u kala gar naqo; dadkiina waxay Muuse ag taagnaayeen subaxdii ilaa makhribkii.

14. Oo Muuse soddoggiis markuu arkay wixii uu dadkii ku sameeyey oo dhan ayuu yidhi, Waa maxay waxan aad dadka ku samaynaysaa? Oo maxaad keligaa u fadhidaa, dadka oo dhammuna kuu ag taagan yahay subaxda ilaa makhribka?

15. Markaasaa Muuse soddoggiis ku yidhi, Maxaa yeelay, dadku waxay iigu yimaadaan inay Ilaah wax iga weyddiiyaan.

16. Oo markay wax isu haystaanna anigay ii yimaadaan, oo markaasaan u kala gar naqaa nin iyo deriskiisa, oo waxaan iyaga ogeysiiyaa amarrada Ilaah iyo qaynuunnadiisa.

17. Markaasaa Muuse soddoggiis wuxuu isaga ku yidhi, War waxaad samaysaa ma wanaagsana.

18. Waayo, hubaal waad ku daali doontaan, adiga iyo dadka kula joogaaba, maxaa yeelay, waxanu waa kugu culus yihiin adiga; oo ma aad awooddid inaad keli ahaantaa samayso.

19. Haddaba bal i dhegayso oo waan kula talinayaaye, oo Ilaahna ha kula jiro. Adigu dadka daraaddiis Ilaah u dhowow, oo arrimahoodana Ilaah u keen.

20. Oo waa inaad iyaga bartaa amarrada iyo qaynuunnada, oo waa inaad iyaga tustaa jidkii ay mari lahaayeen, iyo shuqulkii ay qaban lahaayeen.

21. Oo weliba waa inaad dadka oo dhan kala soo baxdaa rag karti leh, oo Ilaah ka cabsada, oo daacad ah, oo neceb faa'iidada xaqdarrada ah, oo kuwo caynkaas ah madax uga dhig, inay ahaadaan kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya, iyo kuwo konton konton u taliya, iyo kuwo toban toban u taliya,

22. oo kuwaasu dadka ha u gar naqeen had iyo goor, oo waxay noqon doontaa in wixii weyn oo dhan ay adiga kuu keenaan, laakiinse wixii yar oo dhan ay iyagu ka gar naqi doonaan; oo sidaasaa hawshu kaaga yaraan doontaa, oo iyana hawshay kula qaybsan doonaan.

23. Oo haddaad waxan samaysid, oo haddii Ilaah sidan kugu amro, de markaas waad adkaysan kari doontaa, oo dadkan oo dhammuna meeshooda ayay nabad ku tegi doonaan.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 18