Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 18:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba wadaadkii Midyaan oo Yetroo ahaa, Muusena soddog u ahaa, ayaa wuxuu maqlay kulli wixii Rabbigu u sameeyey Muuse iyo dadkiisa reer binu Israa'iil, iyo sidii Rabbigu reer binu Israa'iil uga soo bixiyey dalkii Masar.

2. Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu soo kexeeyey naagtii Muuse oo ahayd Siforaah, markuu iska diray dabadeed,

3. iyadii iyo labadeedii wiilba, oo midkood magiciisu wuxuu ahaa Gershoom, waayo, wuxuu yidhi, Qariib baan ku ahaa dal qalaad,

4. midka kalena magiciisuna wuxuu ahaa Eliiceser; waayo, wuxuu yidhi, Ilaahii aabbahay baa i caawiyey, oo wuxuu iga samatabbixiyey seeftii Fircoon.

5. Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa Muuse ugu yimid cidladii ay degeen oo buurtii Ilaah agteeda ahayd isagoo wada wiilashiisii iyo naagtiisii.

6. Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigoo ah Yetroo soddoggaa waan kuu imid aniga iyo naagtaada iyadoo wadata labadeedii wiilba.

7. Markaasaa Muuse dibadda u baxay inuu ka hor tago soddoggiis, kolkaasuu u sujuuday oo dhunkaday, markaasaa intay iswaraysteen ayay teendhadii soo galeen.

8. Markaasaa Muuse wuxuu soddoggiis u sheegay kulli wixii Rabbigu ku sameeyey Fircoon iyo Masriyiintii oo uu ugu sameeyey reer binu Israa'iil aawadood, iyo wixii dhib iyaga ku dhacay oo dhan intay soo socdeen, iyo sidii Rabbigu uga samatabbixiyey.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 18