Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 15:10-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Adigu dabayshaadii baad ku afuuftay, oo baddii baa qarisay iyagii; Oo sidii laxaamad oo kale ayay u dhex tiimbadeen biyihii xoogga badnaa.

11. Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda? Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh, Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya?

12. Adigu gacantaadii midig baad soo fidisay, Markaasaa dhulku liqay iyagii.

13. Oo raxmaddaadaad ku soo hor kacday dadkii aad soo madax furatay. Oo waxaad iyagii ku soo hor kacday xooggaaga, waxaadna u soo wadday rugtaada quduuska ah.

14. Oo dadyowgii baa maqlay, wayna gariireen. Kuwii Falastiin degganaana waxay noqdeen sidii dumar fool qabatay.

15. Markaasay ugaasyadii reer Edom yaabeen; Raggii xoogga weynaa oo Moo'aabna gariir baa qabtay. Dadkii Kancaan degganaa oo dhammuna way dhalaaleen.

16. Oo cabsi iyo naxdin baa ku dhacay iyagii. Oo gacantaada weynaanteeda aawadeed ayay sidii dhagax oo kale u aamuseen, Ilaa ay dadkaagu gudbeen, Rabbiyow, Ilaa ay dadkii aad soo iibsatay gudbeen.

17. Iyaga gudahaad soo gelin doontaa, oo waxaad ku beeri doontaa buurta dhaxalkaaga, Taasoo ah meesha aad u samaysatay inaad degganaatid, Rabbiyow, Waana meesha quduuska ah oo gacmahaagu diyaariyeen.

18. Rabbigu boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiisba.

19. Waayo, Fircoon fardihiisii waxay baddii la galeen gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii, oo Rabbigu biyihii badda ayuu dushooda ku soo celiyey; laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah.

20. Markaasaa Maryan oo nebiyad ahayd, Haaruunna walaashiis ahayd, ayaa waxay gacanteeda ku qaadatay daf; kolkaasaa dumarkii oo dhammu ka daba yaaceen iyagoo cayaaraya oo dafaf wata.

21. Markaasaa Maryan waxay ugu celisay iyagii, War Rabbiga u gabya, waayo, ammaan buu ku guulaystay; Oo faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 15