Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 14:19-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Markaasaa malaa'igtii Ilaah oo hor socotay reer binu Israa'iil soo wareegtay oo daba martay iyagii, markaasaa tiirkii daruurta ahaa ka soo hor wareegay oo uu daba maray iyagii;

20. oo wuxuu kala dhex galay reer Masar iyo reer binu Israa'iil; oo waxaa jiray daruur iyo gudcur, laakiinse weliba habeennimadii wuu iftiimay; oo habeenkii oo dhan midna uma soo dhowaan ka kale.

21. Markaasaa Muuse gacantii baddii ku kor fidiyey, oo habeenkii oo dhan Rabbigu wuxuu baddii dib ugu celiyey dabayl xoog badan oo bari ka timid, oo wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, oo biyihiina way kala go'een.

22. Markaasaa reer binu Israa'iil baddii dhex mareen, oo waxay ku socdeen dhul engegan, oo biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba.

23. Markaasaa Masriyiintiina soo eryadeen, oo intay soo daba galeen ayay waxay mareen badda dhexdeeda, oo waxayna ahaayeen Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii oo dhan.

24. Oo markii waagii beryay waxaa dhacday in Rabbigu ciidankii Masriyiinta ka dhex fiiriyey tiirkii dabka ahaa iyo kii daruurta ahaa, kolkaasuu kadeeday ciidankii Masriyiinta.

25. Kolkaasuu giringirihii gaadhifardoodkooda xidhay, inay si dhib leh u kexeeyaan; markaasay Masriyiintii waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iil hortooda aynu ka cararno; waayo, Rabbigu waa u dirirayaa iyaga oo uga hiilinayaa Masriyiinta.

26. Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Badda gacanta ku kor fidi, inay biyuhu ku soo noqdaan Masriyiinta, iyo gaadhifardoodkooda, iyo fardooleydooda.

27. Markaasaa Muuse gacantii badda ku kor fidiyey, oo markii waagii beryay ayaa baddii xooggeedii hore ku soo noqotay, markaasaa Masriyiintiina ka carareen; kolkaasaa Rabbigu wuxuu Masriyiintii ku tuuray badda dhexdeedii.

28. Markaasaa biyihii isku soo noqdeen, oo waxay qariyeen gaadhifardoodkii, iyo fardooleydii, iyo xataa ciidankii Fircoon oo dhan oo badda dhexdeeda reer binu Israa'iil ku eryaday, oo xataa midna kama hadhin.

29. Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah, biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 14