Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baxniintii 1:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba waa kuwan magacyadii wiilashii Israa'iil, oo Masar yimid; nin walba iyo reerkiisiiba waxay la yimaadeen Yacquub.

2. Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah,

3. Isaakaar, Sebulun, iyo Benyaamiin,

4. Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer.

5. Oo dadkii ka soo go'ay xanjaadkii Yacquub oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan qof; Yuusufna Masar buu markii hore joogay.

6. Yuusufna, iyo walaalihiis, iyo farcankaas oo dhanba way wada dhinteen.

7. Oo reer binu Israa'iilna waa bateen, oo aad bay u kordheen, wayna tarmeen, oo aad iyo aad u xoogaysteen; dhulkiina way buuxiyeen.

akhri dhamaystiran cutubka Baxniintii 1