Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baroorashadii Yeremyaah 5:1-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay. Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.

2. Dhaxalkayagii waxaa helay shisheeyayaal. Guryahayagiina waxaa iska qaatay ajnabiyo.

3. Waxaannu nahay agoommo, aabbayaal ma lihin, Oo hooyooyinkayana carmallay noqdeen

4. Biyahayagii lacag baannu ku cabnay, Oo qoryahayagiina waa nalaga iibiyey.

5. Kuwii na eryanayayna way na gaadheen, Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin.

6. Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno.

7. Aabbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan, Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay.

8. Addoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,

9. Waxaannu kibistayada ku helnaa naftayadoo aan biimayno, Waana seefta cidlada aawadeed.

10. Haraggayagii wuxuu u madoobaaday sidii foorno oo kale, Waana kulaylkii abaarta daraaddiis.

11. Naagihii Siyoon dhexdeedaa lagu kufsaday, Hablihii bikradaha ahaana magaalooyinka dalka Yahuudah waa lagu kufsaday.

12. Amiirradii gacmahoodaa lagu deldelay, Oo odayaashiina lama sharfin.

13. Barbaarradii dhagaxshiidkay qaadeen, Oo carruurtiina rarkii qoryaha bay la kufeen.

akhri dhamaystiran cutubka Baroorashadii Yeremyaah 5