Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baroorashadii Yeremyaah 3:59-63 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

59. Rabbiyow, gardarradii laygu hayay waad aragtay ee ii garsoor.

60. Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay.

61. Rabbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan,

62. Iyo wixii kuwa igu kacay bushimahoodii lahaayeen, iyo wixii ay maalintii oo dhan ii qasdiyeenba.

63. Bal eeg, markay fadhiyaan iyo markay taagan yihiinba waxaan ahay waxay ka gabyaan.

akhri dhamaystiran cutubka Baroorashadii Yeremyaah 3