Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baroorashadii Yeremyaah 3:44-63 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

44. Daruur baad isku dabooshay si aan baryona kuugu soo gudbin.

45. Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay.

46. Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.

47. Waxaa noo yimid cabsi iyo yamays, iyo halligaad iyo baabbi'in.

48. Indhahayga waxaa ka daata durdurro ilmo ah, waana baabbi'inta dadkayga aawadeed.

49. Indhahaygu had iyo goorba way qubtaan oo innaba ma joogsadaan

50. Ilamaa Rabbigu hoos soo fiiriyo, oo uu samada ka soo eego.

51. Indhahaygu way ii murugeeyaan gabdhaha magaaladayda oo dhan daraaddood.

52. Kuwii cadaawayaashayda sababla'aan u ahaa ayaa i ugaadhsaday sida shimbir loo ugaadhsado oo kale.

53. Waxay bohol iigu rideen si ay naftayda iiga qaadaan, oo dhagax bay igu soo kor tuureen.

54. Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day.

55. Rabbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay.

56. Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.

57. Maalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan.

58. Sayidow, naftayda dacwooyinkeeda waad ii qaadday, waadna i madaxfuratay.

59. Rabbiyow, gardarradii laygu hayay waad aragtay ee ii garsoor.

60. Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay.

61. Rabbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan,

62. Iyo wixii kuwa igu kacay bushimahoodii lahaayeen, iyo wixii ay maalintii oo dhan ii qasdiyeenba.

63. Bal eeg, markay fadhiyaan iyo markay taagan yihiinba waxaan ahay waxay ka gabyaan.

akhri dhamaystiran cutubka Baroorashadii Yeremyaah 3