Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Baroorashadii Yeremyaah 3:37-52 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

37. Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin?

38. Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?

39. Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa?

40. Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno.

41. Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira.

42. Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.

43. Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.

44. Daruur baad isku dabooshay si aan baryona kuugu soo gudbin.

45. Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay.

46. Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.

47. Waxaa noo yimid cabsi iyo yamays, iyo halligaad iyo baabbi'in.

48. Indhahayga waxaa ka daata durdurro ilmo ah, waana baabbi'inta dadkayga aawadeed.

49. Indhahaygu had iyo goorba way qubtaan oo innaba ma joogsadaan

50. Ilamaa Rabbigu hoos soo fiiriyo, oo uu samada ka soo eego.

51. Indhahaygu way ii murugeeyaan gabdhaha magaaladayda oo dhan daraaddood.

52. Kuwii cadaawayaashayda sababla'aan u ahaa ayaa i ugaadhsaday sida shimbir loo ugaadhsado oo kale.

akhri dhamaystiran cutubka Baroorashadii Yeremyaah 3