Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 9:28-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

28. Waxaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan, Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin.

29. Kolleyba waa lay xukumayaaye, Bal maxaan waxtarla'aan u hawshoodaa?

30. Haddaan biyo baraf ah ku maydho, Oo aan gacmahayga aad iyo aad u nadiifiyo,

31. Adigu waxaad igu dhex tuuri doontaa bohol, Oo xataa dharkaygu waa i nici doonaa.

32. Waayo, isagu nin ma aha, sidaydoo kale, si aan isaga ugu jawaabo, Oo aannu labadayaduba xukun u wada galno.

33. Ma jiro nin noo dhexeeya, Oo labadayadaba gacantiisa na saari kara.

34. Isagu ushiisa ha iga fogeeyo, Oo cabsidiisuna yaanay i bajin.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 9