Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 9:13-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Ilaah cadhadiisa ka soo celin maayo; Oo kalmeeyayaasha kibirka lahuna isagay hoos foororaan.

14. Haddaba bal anigu sidee baan ugu jawaabi karaa, Oo aan erayadayda kala doortaa si aan isaga kula hadlo?

15. In kastoo aan xaq ahaan lahaa, weliba uma aanan jawaabeen isaga, Illowse waxaan iska baryi lahaa Kan i xukumaya.

16. Haddaan baryi lahaa oo uu ii jawaabi lahaa, Ma aanan rumaysteen xataa inuu codkayga maqlay.

17. Waayo, isagu wuxuu igu jejebiyaa duufaan, Oo nabrahaygana sababla'aan buu u sii kordhiyaa.

18. Isagu iima oggola inaan neefsado, Laakiinse qadhaadh buu iga buuxiyaa.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 9