Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 6:19-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Waxaa fiiriyey kuwa Teemaa ka safray, Oo socotooyinkii Shebaa ayaa fishay.

20. Way ceeboobeen, waayo, way rajeeyeen, Halkaasay yimaadeen, oo way hungoobeen.

21. Waayo, hadda idinku sidaasaad ii noqoteen, Waxaad aragteen belaayo, waanad baqdeen.

22. Bal anigu miyaan idhi, Wax i sii? Amase, Maalkaaga hadiyad iiga keen?

23. Amase, Cadowga gacantiisa iga samatabbixi? Amase, Iga furo gacanta kan i dulma?

24. Bal wax i bar, oo anna waan iska aamusayaa; Oo i garansii wixii aan ku qaldamay.

25. Erayo runu xoog badanaa! Laakiinse bal canaantiinna muranka ahu maxay caddaysaa?

26. Ma waxaad u malaynaysaan inaad erayo canaanataan? Maxaa yeelay, kii quustay hadalkiisu waa sida dabayl oo kale.

27. Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.

28. Haddaba raalli ahaada oo bal i fiiriya, Waayo, sida runta ah been idiin sheegi maayo.

29. Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla'aanu dhicin, Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 6