Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 6:11-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Bal xooggaygu waa maxay inaan sugo aawadeed? Aakhirkayguse waa maxay inaan dulqaato aawadeed?

12. War xooggaygu ma xoogga dhagaxyada baa? Mise jidhkaygu ma naxaas baa?

13. War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn? Sowse xigmaddu igama fogaan?

14. Kii diyaar u ah inuu qalbi jabo waa in saaxiibkiis u naxariisto Waaba intaasoo uu ka tago cabsida Ilaaha Qaadirka ahe.

15. Walaalahay waa u khiyaano badnaayeen sida durdur oo kale, Sida biyaha durdurrada ee iska baabba'a,

16. Kuwaasoo barafka la madoobaaday, Oo uu barafka cad isku qariyo.

17. Markay qorraxoodaan way libdhaan, Oo markay kululaadaanna meeshooday ka baabba'aan.

18. Kuwa safraa gees bay uga leexdaan, Waxay u baxaan xagga cidlada oo halkaasay ku dhintaan.

19. Waxaa fiiriyey kuwa Teemaa ka safray, Oo socotooyinkii Shebaa ayaa fishay.

20. Way ceeboobeen, waayo, way rajeeyeen, Halkaasay yimaadeen, oo way hungoobeen.

21. Waayo, hadda idinku sidaasaad ii noqoteen, Waxaad aragteen belaayo, waanad baqdeen.

22. Bal anigu miyaan idhi, Wax i sii? Amase, Maalkaaga hadiyad iiga keen?

23. Amase, Cadowga gacantiisa iga samatabbixi? Amase, Iga furo gacanta kan i dulma?

24. Bal wax i bar, oo anna waan iska aamusayaa; Oo i garansii wixii aan ku qaldamay.

25. Erayo runu xoog badanaa! Laakiinse bal canaantiinna muranka ahu maxay caddaysaa?

26. Ma waxaad u malaynaysaan inaad erayo canaanataan? Maxaa yeelay, kii quustay hadalkiisu waa sida dabayl oo kale.

27. Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.

28. Haddaba raalli ahaada oo bal i fiiriya, Waayo, sida runta ah been idiin sheegi maayo.

29. Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla'aanu dhicin, Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 6