Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 41:5-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Ma waxaad isaga ula cayaari doontaa sidaad shimbir ula cayaartid oo kale? Miyaadse gabdhahaaga u xidhi doontaa?

6. Kalluumaystayaashu miyey isaga iibin doonaan? Mase baayacmushtariyaasha bay u qaybin doonaan?

7. Haraggiisa miyaad hotooyin ka buuxin kartaa? Madaxiisase miyaad warmaha kalluunka lagu qabsado ka buuxin kartaa?

8. Gacantaada isaga kor saar, Markaas dagaalka xusuuso, oo mar dambe saas yeeli maysid!

9. Bal eeg, in isaga la qabto rajo ma leh, Xataa haddii isaga la arko, sow hoos loo dhici maayo?

10. Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo, Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?

11. Bal yaa hore wax ii siiyey oo aan haatan u celiyaa? Waxa samada ka hooseeya oo dhan anigaa leh.

12. Anigu ka aamusi maayo waxa ku saabsan addimmadiisa, Ama itaalkiisa xoogga leh, ama jidhkiisa quruxda badan.

13. Haddaba bal yaa dharkiisa kore ka furan kara? Oo bal yaa gowsihiisa soo geli kara?

14. Bal yaa albaabbada wejigiisa furi kara? Ilkihiisa aad baa looga cabsadaa.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 41