Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 4:15-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Markaasaa ruux wejigayga soo hor maray, Oo timihii jidhkayguna waa soo wada istaageen.

16. Oo isagii wuu joogsaday, laakiinse muuqashadiisii waan kala saari waayay; Muuqaal baa indhahayga hortooda joogay; Intii mudda ah aamusnaan baa jirtay, dabadeedna waxaan maqlay cod leh,

17. War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa? Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?

18. Bal eeg, isagu addoommadiisa iskuma halleeyo; Oo malaa'igihiisana nacasnimuu ku eedeeyaa.

19. Intee ka sii badan buu eedeeyaa kuwa guryaha dhoobada ah deggan, Oo aasaaskoodii boodhka ku jiro, Oo sida balanbaallis u burbura!

20. Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan; Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 4