Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 4:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

2. Mid hadduu isku dayo inuu kula hadlo, ma ka xumaanaysaa? Laakiinse bal yaa hadal iska celin kara?

3. Bal eeg, adigu kuwa badan wax baad bartay, Oo gacmihii itaalka darnaana waad xoogaysay.

4. Erayadaadu way tiiriyeen kii sii dhacayay, Oo jilbihii tabarta yaraana waad adkaysay.

5. Laakiinse haatan dhibaatadu aday kuu timid, oo waad taag yaraanaysaa, Wayna ku soo gaadhay, oo waad dhibaataysan tahay.

6. War kalsoonidaadu sow ma aha cabsida aad Ilaahaaga ka cabsato, Rajadaaduse sow ma aha daacadnimada jidadkaaga?

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 4