Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 39:14-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Waayo, iyadu ugaxdeeda waxay kaga tagtaa dhulka dushiisa, Oo ciidday ku diirisaa,

15. Oo waxay illowdaa inay cagtu burburinayso, Iyo inuu dugaaggu ku tumanayo.

16. Waxay ku adkaataa dhasheeda, sidii iyagoo aan kuweedii ahayn, Oo in kastoo ay waxtarla'aan u hawshooto haddana iyadu cabsi ma qabto,

17. Maxaa yeelay, Ilaah baa iyada xigmad u diiday, Oo waxgarashona ma uu siin.

18. Oo markay kor isu qaaddo inay carartona, Waxay quudhsataa faraska iyo kii fuushanba.

19. War ma adigaa faraska xooggiisa siiyey? Surkiisase ma adigaa guudka ruxma huwiyey?

20. War ma adigaa ka dhigay inuu sida ayaxa u boodo? Haybadda bururufta sankiisu way cabsi badan tahay.

21. Dooxaduu qoobka ku garaacaa, oo xooggiisuu ku reyreeyaa, Oo intuu baxo ayuu ka hor tagaa ragga hubka sita.

22. Cabsida wuu ku qoslaa, oo ma uu baqo, Oo seeftana dib ugama noqdo.

23. Korkiisa waxaa ka sanqadha gabooye, Iyo waran birbirqaya iyo hoto.

24. Isagu dhulkuu ku liqaa gariir iyo cadho, Oo buunka codkiisa hadduu maqlona ma istaago.

25. Oo mar alla markii buunku dhawaaqo ayuu <<Haw>> yidhaahdaa, Oo meel fog ayuu dagaalka ka uriyaa, Wuxuuna maqlaa saraakiisha qayladooda onkodaysa iyo hugunka.

26. Haadka adagu ma xigmaddaaduu kor ugu duulaa? Garbihiisase xagga koonfureed ma u fidiyaa?

27. Baqalyaduse ma amarkaagay kor ugu duushaa? Oo ma saasay buulkeeda meelaha sarsare uga dhisataa?

28. Waxay ku hoyataa qarka dheer korkiisa, oo hoygeeduna halkaasuu ku yaal, Xagga qarka dheer dhaladiisa, iyo meesha adag dusheeda.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 39