Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 38:8-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay Sidii wax maxal ka soo baxay,

9. Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay, Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay,

10. Oo aan hareeraheeda xad u amray, Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,

11. Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin, Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?

12. Tan iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay? Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay,

13. Si uu u qabsado dhulka darfihiisa, Oo sharrowyada looga hurgufo?

14. Waa loo beddelaa sidii dhoobo shaabad ka hoosaysa, Oo wax kastaaba waxay kor uga muuqdaan sidii dhar oo kale,

15. Oo sharrowyadana iftiinkooda waa loo diiday, Oo gacantii sarraysayna waa la jebiyey.

16. Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay? Miyaadse moolka salkiisa martay?

17. Geerida irdaheeda miyaa laguu muujiyey? Miyaadse aragtay irdaha hooska dhimashada?

18. Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa? Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.

19. Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee? Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 38