Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 37:7-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Isagu wuxuu shaabadeeyaa nin kasta gacantiisa, In nin kasta oo uu sameeyeyba ogaado.

8. Markaasaa bahalladu hogag galaan, Oo waxay iska joogaan boholahooda.

9. Koonfurta waxaa ka soo baxa duufaanka, Oo qabowguna wuxuu ka yimaadaa woqooyiga.

10. Barafku wuxuu ku yimaadaa Ilaah neeftiisa, Oo biyaha ballaadhanuna way barafoobaan.

11. Daruurta qarada weyn ayuu ka buuxiyaa qoyaan, Oo wuxuu kala firdhiyaa daruurta hillaaciisa,

12. Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa, Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro Dunida la dego dusheeda oo dhan,

13. Hadday tahay hagaajin aawadeed, ama dalkiisa aawadiis, Ama naxariis aawadeed, kolleyba wuxuu ka dhigay inay kuwaasu noqdaan.

14. Ayuubow, bal tan dhegayso, Istaag oo bal ka fiirso shuqullada Ilaah oo yaabka miidhan ah.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 37