Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 34:7-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Ninkee baa Ayuub la mid ah, Oo quudhsashada u cabba sida biyaha oo kale,

8. kaasoo raaca kuwa xumaanta ka shaqeeya, Oo dadka sharka ah la socda?

9. Waayo, isagu wuxuu yidhi, Ninna wax uma tarto Inuu Ilaah ku farxo.

10. Haddaba sidaas daraaddeed i dhegaysta, raggiinna waxgaradka ahow; Ilaah inuu xaqdarro sameeyo way ka fog tahay; Oo Ilaaha Qaadirka ahna inuu xumaan falo way ka fog tahay.

11. Waayo, nin walba shuqulkiisuu ka abaalmariyaa, Oo nin kastana siduu socodkiisu ahaa ayuu ugu abaalgudaa.

12. Laakiinse hubaal Ilaah xaqdarro ma uu samayn doono, Oo Kan Qaadirka ahuna garta ma uu qalloocin doono.

13. Bal yaa isaga ku amray inuu dhulka u taliyo? Yaase isaga dusha ka saaray dunida oo dhan?

14. Hadduu keligiis iska fikiri lahaa, Oo uu ruuxiisa iyo neeftiisa soo urursan lahaa,

15. Dadka oo dhammu waa wada baabbi'i lahaa, Oo binu-aadmiguna ciidduu ku noqon lahaa.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 34