Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 33:1-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Habase ahaatee, Ayuubow, waan ku baryayaaye, hadalkayga maqal, Oo erayadayda oo dhanna dhegta u dhig.

2. Bal eeg haatan, afkaygaan furay, Oo carrabkaygu wuxuu ku dhex hadlay afkayga.

3. Erayadaydu waxay sheegi doonaan qummanaanta qalbigayga, Oo bushimahayguna wixii ay yaqaaniin si daacad ah ayay ugu hadli doonaan.

4. Waxaa i sameeyey Ruuxa Ilaah, Oo waxaa i noolaysa Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa.

5. Haddaba haddaad kartid ii jawaab, Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag.

6. Bal eeg, aniguba xag Ilaah waxaan ahay sidaada oo kale; Oo anigana waxaa layga uumay dhoobo.

7. Bal eeg, nixintaydu kuma cabsiin doonto, Oo gacantayduna kuguma cuslaan doonto.

8. Sida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay, Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh,

9. Anigu nadiif baan ahay, oo xadgudubna ma lihi, Xaq ma qabo, oo xumaanuna iguma jirto innaba.

10. Bal eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa, Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay;

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 33