Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 32:10-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Sidaas daraaddeed waxaan idin leeyahay, Bal i dhegaysta; Aniguna ra'yigayga waan idiin caddaynayaa.

11. Bal eega, erayadiinnii waan sugayay, Oo xigmaddiinniina waan dhegaysanayay, Intaad baadhbaadhayseen wixii aad odhan lahaydeen.

12. Sida runta ah aad baan idiin dhegaysanayay, Oo bal eega, laydinkuma arag mid Ayuub rumaysiiyey, Amase mid erayadiisii uga jawaabay.

13. Isjira inaydaan odhan, Annagu xigmad waannu helnay; Ilaah baa isaga ka adkaan kara, laakiinse dadi ma kari karo.

14. Waayo, isagu erayadiisii iguma uu soo jeedin, Oo anigu hadalladiinnii isaga ugu jawaabi maayo.

15. Iyagii way yaabsan yihiin, oo mar dambena ma ay jawaabaan; Oo wax ay ku yidhaahdaanna ma leh.

16. Haddaba anigu miyaan u sii sugaa, hadalka ay waayeen daraaddiis, Iyo istaagiddooda daraaddeed, oo ay mar dambe jawaabi waayeen?

17. Haddaba aniguna qaybtayda waan ka jawaabayaa, Oo ra'yigaygana waan caddaynayaa.

18. Waayo, waxaa iga buuxa erayo; Oo ruuxa gudahayga ku jira ayaa i qasba.

19. Bal eega, calooshaydu waa sidii khamri sibraar ku jirta oo aan lahayn meelay ka neefsato, Xataa sidii sibraarro ku dhow inay qarxaan.

20. Anigu waan hadli doonaa, si aan u qalbi qabowsado; Oo bushimahayga waan kala qaadi doonaa, waanan jawaabi doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 32