Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 28:20-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Haddaba xigmaddu xaggee bay ka timaadaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?

21. Maxaa yeelay, way ka qarsoon tahay kuwa nool indhahooda, Oo haadka hawadana waa laga deday.

22. Halligaadda iyo Dhimashadu waxay leeyihiin, Dhegahayaga ayaannu warkeeda ku maqalnay.

23. Ilaah ayaa jidkeeda garanaya, Oo isagaa meesheeda yaqaan.

24. Waayo, isagu wuxuu fiiriyaa dunida darfaheeda, Oo wuxuu u jeedaa inta samada ka hoosaysa oo dhan,

25. Markuu dabaysha miisaamo, Oo uu biyahana qiyaaso.

26. Markuu roobka qaynuun u sameeyey, Oo uu hillaaca onkodkana jid u sameeyey,

27. Ayuu arkay, oo ka hadlay, Oo intuu adkeeyey ayuu weliba baadhay.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 28