Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 27:4-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Hubaal bushimahaygu xaqdarro ku hadli maayaan, Oo carrabkayguna khiyaano sheegi maayo.

5. Ilaah ha iga fogeeyo inaan xaq idinka dhigo, Jeeraan dhinto daacadnimadayda iska tuuri maayo.

6. Xaqnimadayda waan xajisanayaa, oo iska sii dayn maayo, Oo qalbigaygu i ceebayn maayo intaan noolahay oo dhan.

7. Cadowgaygu sida sharrow ha noqdo, Oo kii igu kacaana sida mid xaqdaran ha noqdo.

8. In kastoo uu faa'iido helo, cibaadalaawaha rajadiisu waa maxay, Markii Ilaah naftiisa qaado?

9. Ilaah miyuu qayladiisa maqli doonaa, Markii dhib ku yimaado?

10. Miyuu Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doonaa? Oo miyuu goor kasta Ilaah baryi doonaa?

11. Waxaan idin barayaa wax gacanta Ilaah ku saabsan, Oo waxa Ilaaha Qaadirka ah la jirana idinka qarin maayo.

12. Bal eega, idinku kulligiin waad aragteen, Haddaba bal maxaad dhammaantiin nacasyo u wada noqoteen?

13. Intanu waa qaybta uu Ilaah ninkii sharrow ah u kaydiyo, Iyo dhaxalka kuwa dadka dulma ay Ilaaha Qaadirka ah ka helaan.

14. Carruurtiisu hadday tarmaan, kolleyba waxaa dili doonta seef, Oo carruurtiisuna cunto kama dhergi doonaan.

15. Kuwii isaga ka hadhana dhimashaa xabaali doonta, Oo carmalladiisuna uma ay barooran doonaan.

16. In kastoo uu lacag u taalaysto sida ciidda oo kale, Oo uu dharna u diyaarsado sida dhoobada oo kale,

17. Isagaa diyaarin doona, laakiinse waxaa xidhan doona kan xaqa ah, Oo lacagtana waxaa qaybsan doona kan aan xaqa qabin.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 27