Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 22:22-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

22. Haddaba waan ku baryayaaye, sharciga afkiisa ka aqbal, Oo erayadiisana qalbigaaga geli.

23. Waa lagu dhisi doonaa haddaad Ilaaha Qaadirka ah u noqotid, Oo aad xaqdarrada teendhooyinkaaga ka fogaysid.

24. Khasnaddaada waxaad ku xoortaa ciidda, Oo dahabka Oofirna waxaad ku dhex tuurtaa dhagaxyada durdurka,

25. Oo Ilaaha Qaadirka ahuna wuxuu kuu noqon doonaa khasnad, Iyo lacag qiime badan.

26. Oo markaasaad Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doontaa, Oo wejigaagana Ilaah baad kor ugu qaadi doontaa.

27. Oo isagaad u tukan doontaa, oo isna wuu ku maqli doonaa, Oo adna waxaad bixin doontaa waxyaalihii aad nidartay.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 22