Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 21:29-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

29. Miyeydaan weyddiin kuwa jidka mara? Oo miyeydaan garanayn calaamooyinkooda?

30. Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada? Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada?

31. Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona? Oo bal yaa isaga ka abaalmarin doona wixii uu sameeyey?

32. Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha, Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa.

33. Waxaa isaga u macaanaan doonta ciidda dooxada, Oo dadka oo dhammuna isagay soo daba kici doonaan, Sida kuwii aan tirada lahayn oo isagii ka horreeyeyba ay u dhinteen.

34. Haddaba bal maxaad si aan waxba tarayn iigu qalbiqabowjinaysaan, Maxaa yeelay, jawaabihiinnii been oo keliya ayaa ku hadhay?

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 21