Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 20:5-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Ay guulaysashada sharrowyadu gaaban tahay, Oo farxadda cibaadalaawayaashuna ay daqiiqad qudha tahay?

6. In kastoo sarrayntiisu ay samada korto, Oo madaxiisuna uu daruuraha gaadho,

7. Wuxuu weligiis u baabbi'i doonaa sida saxaradiisa oo kale. Oo kuwii isaga arki jiray waxay odhan doonaan, War meeh isagii?

8. Sida riyo ayuu u libdhi doonaa, oo lama heli doono, Hubaal waxaa loo eryi doonaa sida riyada habeenka.

9. Ishii isaga aragtay mar dambe ma ay arki doonto, Oo meeshiisiina mar dambe uma ay jeedi doonto.

10. Carruurtiisu waxay wax ka baryi doonaan masaakiinta, Oo gacmahooduna dib bay u celin doonaan maalkiisa.

11. Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada, Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.

12. In kastoo xumaantu afkiisa la macaan tahay, In kastoo uu carrabkiisa ku hoos qarsado,

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 20