Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 20:25-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

25. Wuu soo jiidaa, kolkaasay jidhkiisa ka soo baxdaa, Hubaal caaradda dhalaalaysa ayaa beerkiisa ka soo baxda, Oo cabsi baa isaga ku dhacda.

26. Gudcurka oo dhanna waxaa meel loogu kaydiyey khasnadihiisa; Oo dab aan la afuufin ayaa isaga dhammayn doona, Wuuna baabbi'in doonaa waxa teendhadiisa ku dhex hadhay.

27. Samooyinku waxay daaha ka qaadi doonaan xumaantiisa, Oo dhulkuna isaguu ku kici doonaa.

28. Hodanka reerkiisu wuu ka dhammaan doonaa, Oo maalinta cadhada Ilaah ayaa maalkiisu libdhi doonaa.

29. Intaasu waxaa weeye qaybta ninkii shar ahu uu xagga Ilaah ka helayo, Iyo wixii Ilaah dhaxal ahaan ugu amray.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 20