Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 19:1-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu yidhi,

2. War ilaa goormaad naftayda dhibaysaan Oo aad erayo igu burburinaysaan?

3. Toban jeer baad i caydeen, Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan?

4. Oo sida xaqiiqada ah haddaan qaldamay, Qaladkaygu aniguu igu hadhayaa.

5. Oo sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan, Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay,

6. Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey, Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.

7. Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.

8. Jidkaygii ayuu ooday si aanan u dhaafi karin, Oo wadiiqooyinkaygiina gudcur buu ka dhigay.

9. Ammaantaydii wuu iga xayuubiyey, Oo taajkiina madaxayga wuu ka qaaday.

10. Xagga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday, Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 19