Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 18:4-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa? Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa?

5. Hubaal iftiinka sharrowgu wuu demi doonaa, Oo ololka dabkiisuna siima iftiimi doono.

6. Iftiinka teendhadiisu wuxuu ahaan doonaa gudcur, Oo laambaddiisa kor taalna way demi doontaa.

7. Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.

8. Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag, Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.

9. Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin, Oo qool baana qabsan doona.

10. Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin.

11. Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi, Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.

12. Xooggiisa waxaa dili doonta gaajo, Oo belaayona agtiisay diyaar ku tahay.

13. Oo waxay baabbi'in doontaa xubnaha jidhkiisa, Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi'in doona.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 18