Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 18:14-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Oo isaga waa laga rujin doonaa teendhadiisa uu isku halleeyo, Oo waxaa loo keeni doonaa boqorka cabsida.

15. Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn, Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud.

16. Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.

17. Dhulka laguma xusuusan doono, Oo jidkana magac kuma uu yeelan doono.

18. Isaga iftiin baa gudcur looga kaxayn doonaa, Oo dunidana waa laga eryi doonaa.

19. Oo isagu dadkiisa kuma dhex lahaan doono wiil uu dhalay iyo mid uu wiilkiisii dhalay toona, Ama mid ku hadha meelihii uu degganaan jiray.

20. Dadka ka dambeeyaa waxay ka yaabi doonaan wakhtigiisa, Sidii ay kuwii horeba uga baqeen.

21. Sida xaqiiqada ah guryaha kuwa aan xaqa ahayn waa sidaas oo kale, Oo kii aan Ilaah aqoon meeshiisiina waa tan.

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 18