Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ayuub 17:10-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Laakiinse idinku dhammaantiin bal soo noqda oo ii kaalaya, Oo anna nin xigmad leh idinkama heli doono.

11. Cimrigaygii waa dhammaaday, Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.

12. Habeenka waxay u beddelaan maalin, Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka.

13. Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale, Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado,

14. Oo haddaan qudhunka ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay aabbahay, Oo aan dirxigana ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay hooyaday iyo walaashay,

15. Bal markaas meeday rajadaydu? Oo bal yaase rajadayda arki doona?

akhri dhamaystiran cutubka Ayuub 17